Abdiwali Gaas: Madaxweynii runta ahaa  (Fahad) shirka waa uu ka maqan yahay? Dowladani go’aan ma gaari kartaa?  

Reading Time: < 1 minute

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland islamarkaana ah gudoomiyaha ururka iskaashiga Dowlad Goboleedyadda oo kulan gaar ah la qaatay madaxda dowlada goboleedyada habeenkii xalay ahaa ayaa u sheegay madaxda dowlada goboleedyadda in ay yaab la tahay ama ayan maskaxdiisa ka wayn tahay in Agaasimihii madaxtooyada ee Fahad Yasin uusan la socon Madaxweynihii oo u ka soo haray. Waxa uu yiri “aniga waxaan la soo shaqeeyay madaxweyne, dowladnimada wax  waanu ka naqanaa, Agaasimaha madaxtooyada waa in uu garab-taagnaadaa MW marka uu ku jiri wadaxaajood xasaasi ah sida kan hadda ka socda Baydhabo”

MW Xeef ayaa hadalka qaatay oo yiri, “war madaxweynihii waa maqan yahay waa ninkaas camanka buuran leh ee Fahad ee maxaanu waqti isaga qaadaynaa, go’aankastaa oo la gaaro isaga ayaa diidi doonee”

Cabdiwali Gaas ayaa sheegay dhuumashada fahad ka dhuumanayo shirarka dowlad goboleedyadda oo uusan midkoodna ka qayb galin, markastaa ee shir dowlad goboleed dhacayo dalka waa ka dhoofaa, waxa ay cadaynaysaa in uusan aaminsanaynin wax la yiraahdo Fedaraal ama dowlad goboleed, fakarkiisa ugu danbeeyana uu yahay in la burburiyo dowlad goboleedyadda iyada oo la isticmaalayo Farmaajo iyo Kheyre.

Waxaa nasiib xumo ah in madaxweynihii dalka uusan amar ku siin karin agaasimihiisii in uu ka soo qaybgalo shirka dowlad goboleedyada. Cabdiwali Gaas ayaa yiri “war kuwa halkaan nala jooga dalna gacan kuma hayaan, dadna ma xukumaan, ninbey meel ugu xiran yihiin”