Abaartuu Hantideeda Dhacay ayaa Guri loogu Dhisahayaa!!

Reading Time: 2 minutes

Runtii MW Farmajo waxaa uu abuuray dhaqamo xun oo ay adag tahay si loo tirtiro muddadii uu dalka xukumayey. Beenta, Ka nixid la’aanta Masaakiinta, Marin habaabinta Shacbiga, Ku bixinta lacagaha masaakinta meelo dano gaar ah laga leeyahay iyo waxyaabo ka sii xun oo ay  ka mid  tahay inuusan qofka aadanaha ah wax karaamo ah lahayn oo inta gaari lagu qaato laga yeelo  wixii la rabo kadibna aan la sheegin meel u uku dambeyey sida Ikran Tahliil ama la khaarijiyo sida Xil. Amina Cabdi ama cadow loo logo sida Qalbidhagax ama Qarax lagu laayo sidii kii dhacay Zoppe.

Haddii aan isku dayno inaan mid mid u dul istaagno, waxyaabaha yaab leh ee ay taariikhdu xusi doonto way adkaanee inaan maanta oo dhan dhameystiri karno, waxaana la hubaa haddii aan la horjoogsan hab dhamada noocan ah inay abuurmi doono bulsho nooc kale ah o oleh astaamo laga naxo.

Waxyaabaha la bartay intii uu Farmajo talada hayey waxaa ka mid ah:

Tan kowaad: Been aan laga xishoon oo aan Rabina looga cabsan. Waxaad arkeysaa dad waaweyn oo ku leh Farmajo waxaas iyo waxaas ayuu qabtay,  marka aad weydiiso hal tusaale isii ama yaa kuu sheegay? Ama  maxaad cadeyn u haysaa waxay ku leeyihiin Cali Yare ayaa bartiisa ku soo qoray , Cabdirisaq Teerra ayaa facebook ku qoray iyo sheekh Abdi xirsi oo dembiile ah ayaa bartiisa fecbook kaga hadlay. Seddexdanna waa kuwa beenta ugu badan CBB oo aan rabbi iyo rasulkiisa midna ku texneyn ee calooshooda oo kaliy aku Texan. Waxay ku leeyihiin ciidan ayuu dhisay. Ciidan dhar la gashado iyo gaardi kooxo magacyo wanwanaagsan loo bixiyo maaha ee waa difaac, halwgallo iyo cadowga oo goobaha ay joogaan loogu tago, balse iyagii ayaa maalin walba la dilaa oo hubka laga furta, maaha fuleynimo ama ciidan xumo ee waa hogaan xumo.

Tan labaad: Waxaa Abuurmay naxariisdarro aan shacbiga loo naxeyn, la dhegeysan, lala kulmin balse la abuuray kooxo aad u qaayliya oo qariya oohinta shacbiga inkastoo oo aan dacwadooda Rabbi laga qarin karin, inkaartuna la hubo inay ku dhici doonto cid walba oo ka qeyb qaadatay af, addin iyo awood sheegadba. Kala wareeg, dib u noqo, lacag soo tuur si aad xaaska ama gabadha kaa umuleysa aad cisbitaalkan u geysatid, meydka garaba ku qaata iyo wax ka daran ayaa noqday nolol maalmeed la aqbalay.

Tan Sedexaad: Aflagaadada, weerarka iyo ijafeynta dadka  yiraahda war dalka sidaan ka daaya waa faan iyo amaan in loo gefaa qof wanaag ku baaqaya oo lacag dheeraad ah lagu bixiyana sida Amiin Caamir waa Sharaf iyo qiimo.

Tan afraad: In qofku uu ku dhiiirado inuu maanta oo dhan oran karo erayo isaga liidnimo ku ah oo uu og yahay sida aabbo Farmajo, xabiibu malaayiin iw wax ka daran, waxay noqtay caado joogto noo ah.

Waxaan aaminsaneyn in dadka wax xogaa ka koreen huuhaadii kacaanka iyo beenta loo afuufo, laguna taageero doqonka kali talisnimo raba ee aan dad iyo dunyo ka naxayn iyadoo calaamadaha kalitalisnimo ay qof taageerayaa u cad yihiin.