Abaaraha Degaanada Puntland oo Laga Deyrinayo iyo Dad Kor udhafaya Hal Milyan oo Halis Ku Jira

Reading Time: < 1 minute

Hay’adda maareynta musiibooyinka Puntland ee HADMA ayaa sheegtay in dad badan oo ku nool Puntland ay saameysay abaarta.

Maareeyaha hay’addan C/laahi Axmed ayaa sheegay in abaarta ay saameysa Hal Milyan iyo Lix Boqol oo ruux, kuna nool ay abaartu saameysay, sidoo kalena 224 deegaan ay u baahan yihiin in gargaar degdeg ah lala gaaro.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay in qoysaska abaartan ay saameysay ay gaarayaan 103 kun oo qoys, isaga oo dhanka kale soo bandhiga daraasad ay sameeyeen oo ay ku ogaanayeen heerka cimilada roobabka iyo abaaraha la filan karo iney kusoo wajahan yihiin deegaannada Puntland.

Hay’adaha samofalka ah iyo kuwa kaleba ayaa xilligan waxay ka digeen abaar mar kale ku dhufuta gobollo ka mid ah dalka.