Abaar Xoogan oo Xiligan Ka Taagan Deeganada Maamulka Puntland&Baaq Lo Diray Shacabka Soomaaliyeed

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka arrimaha gudaha ee Puntland C/laahi Cali Xirsi Tima Cade ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in gurmad deg deg ah ay la soo gaaraan dadka ay abaarahu ku saameyeen deegaanada maamulkaasi.

Wasiir Tima Cade ayaa shegay in Biyo la’aan baahsan iyo abaar xoogan ay ka jirto xilligani deegaanada Puntland, loona baahan yahay gar gaar deg deg ah.

Waxaana uu intaasi ku daray Wasiirka arrimaha gudaha Puntland in ay muhiim tahay in dadkaasi dhibaateysan aan lagu haleyn hay’adaha kaliya, balse loo baahan yahay sidoo kale in ay caawiyaan Walaalahooda Soomaaliyeed.