Dowladda Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday in ay si buuxda logu wareejiyay ciidamadii dowladda Imaaraadka Carabta ay tababartay ee ku sugnaa xeradda General Goordon.
Ciidamada oo ka badan 2000 kun oo Askari ayaa sidoo kale waxaa wehlinaayay qalab ciidan iyo Gaadiid sidda ay sheegtay dowladda Soomaaliya.
Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Cabdullaahi Cali Caanood ayaa sheegay in ciidamaddaan ay maanta wixii ka dambeeya ay xuquuqdooda ay ku leeyihiin dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu sidoo kale xusay in dhammaan ay la wareegeen , islamarkaana loo bixiyay Guutadada Daljir oo leh Taliye iyo Abaanduule.
Dowladda Soomaaliya ayaa horay u shaacisay in ay la wareegi doonto dhammaan ciidamada ay tababartay dowladda Imaaraadka Carabta.