Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo magaalada Nairobi ee xarunta dalka kenya, waxa halkaas ka socda shirar iyo abaabul xoogan oo looga soo horjeedo Madaxweynaha Jubbaland Axmad Madoobe oo xiliga xil heyntiisu ay ka hartay wax ka yar lix bilood.
Shirarka ayaa waxaa hor kacaya siyaasiyiin ka soo jeeda dowlada Goboleedka Jubbaland kuwaas oo horay xilal kala duwan uga soo qabtay dalka Soomaaliya.
Shirarkaan ayaa leh labo ujeedo oo iskaabaya. 1) in Jubbaland ay ka dhacdo doorasho waqtigii loogu talagalay oo ku dhanda taas ku aadan 22ka Bisha Agoosto ee sanadkaan iyo 2) In aan gabi ahanba Madaxweyne Axmed Madoobe loo ogolaan inuu dib isugu soo sharxo hogaanka dalka Kenya.
Kulamanadaan ayaa u muuqdo mid ay raali ka tahay dowlada Kenya oo xiliyadii danbe qaadatay go’aan ah in Axmad Madoobe laga ceyriyo hogaanka Jubbaland. Axmad Madoobe ayaa horay ula soo shaqeeystay dowladii uu hogaanka u hayay Madaxeyne Uhuru Kenyatta oo markiisi horayba ku haystay hogaanka Jubbland.
Kulamadaan ayaa waxaa kala hogaaminiyo siyaasiyiin ka soo jeedo beelaha Kuumada – Ogaadeen oo hal dhinac ah iyo mid ay hogaaminayaan siyaasiyiinta beesha Mareexaan, kuwaas oo ay ka go’an tahay inay la wareegaan hogaanka Jubbaland.
Madaxweyne Axmad Modoobe oo gacanta ku hayay Jubbaland mudo ka badan 12 sano ayaa u muuqda mid doonayo in uu waqti ku darsado doorashada xiligeeda. Talabadaan ayaana ah mid uu taageero buuxda kaga haysto Ra’iisal Wasaare Xamsa Barre iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.
Abaabul kan Nairobi la mida ayaa sidoo kale waxa uu ka socda deegaano hoos yimaada Gobolka Gedo halkaas oo ay ku sugan yihiin siyaasiyiin isku baheystay sidee Axmad Madoobe looga taqalusi lahaa.
Madaxweyne Axmada Madoobe ayaa waxa rajo galisay shirkii did-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed kaas oo madaxweyne Lafta-Gareen loogu xaleeyayay hal sano oo dheeraad ah.
Halkaan ka daawo shir jaraa’id oo mucaardka Jubbaland shalay ku qabteen magalaada Nairobi.