Abaabul Ka Dhan Ah RW/Kheyre oo Muqdisho uu Ka Wado C/Wali Mudeey iyo Xertisa Xildhibadana Ah oo Cabsi Galiyay RW/Kheyre

Reading Time: < 1 minute

Sida ay shegayan in qaar ka mid ah Xildhibaanadii qeybta ololaha Xilka loga turay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari in ay kulan ka dhan ah Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ku yeesheen magaalada Muqdisho.

kulankan ayaa yimid ka dib markii uu ka baxay sida ay sheegeen balan uu ka qaaday Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, waxayna ku dhawaaqeen olole ka dhan Xukuumadda Kheyre.

Xildhibaanadan ayaa isku raacay inay abaabulaan Mooshin ka dhan Ra’iisul wasaaraha, iyagoo raadsan doonaa Xildhibaano aad u badan oo ku taageera qorshaha ay kaga soo horjeedaan Xukuumadda.

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii taageersanaa Pro. Jawaari ayaa wali dagaal kula jira Xukuumadda Kheyre, waxayna tani u noqon kartaa fursad qaali maadaama ay labo u qeybsameen Xildhibaanadii taageersanaa Xukuumadda.

Si kastaba ha ahaatee waxaan la ogeyn Talaabada xigta oo ay qaadi doonaan Xildhibaanadan ku shiray Muqdisho ee hoosta ka xariiqay Abaabulka Mooshin ka dhan Kheyre.