Abaabul dagaal xoogan oo labada dhinac ah aya laga dareemayaa G/Sool

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegyaan wararka naga soo gaarayo magalaada Laaascaanood ee Gobolka Sool, waxaa halkaas ka socda abaabul dagaal xoogan oo ay labada dhinac isku qaadaadaan.

Waxaa la sheegayaa in Madaxweyne Muuse Biixi iyo saraakiisha ciidamada Somaliland ay amar ku bixyeen in Laascaanood Todobaadkan lagu qaado dagaal xiriir ah oo socda mudda lix maalmood ah kaas oo la sheegay in lagu soo afjarayo halganka SSC.

Dhanka kale hogaanka SSC ayaa dhankooda waxa soo gaaray taageero ciidan iyo mid saanad taas oo kaga timid beelaha Harti ee degta deegaaanada hoos yimaada Puntland. Ciidanka ugu danbeeyay ee soo gaaray Laascaanood ayaa waxa ay ka yimaadeen beesha Saawaqroon ee degta Gobolada Bari ee Puntland.

Dhanka kale Madaxweyne Muse Biixi ayaa u sheegay saraakiisha in aysan mudda lix maalmood ah kala joojin weerarka si ay dib ugu qabsadaan Laascaanood sida ay xaqiijinayaan xogo amni.

Xogtan ayaa sidoo kale sheegaysa in Muuse Biixi uu Saraakiisha ku adkeeyay in ay awood kasta geliyaan sidii munaasabada ciida  ka hor loogu qaban lahaa Laascaanood.