Ciidamadii Somaliland u dirtay aaga buurta Gacanlibaax ayaa fadhiisin ka samaystay degmada Go’oda halkaasi oo aan ka fogayn buurta Gacanlibaax ee ay saldhiga ku leeyihiin jabhada sheegtay in ay ka soo hor jeedo Dowlada Somaliland.
Ciidanka falagaadaha ee kasoo jeeda beelaha Garxajis ayaa la sheegayaa inay awood ahaan sii xoogaysanayaan maalinba maalinta ka danbaysa.
Dhanka kale warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in laba askari oo ka tirsanaa kuwa dawladu ay buurta galeen isla markaasina ay isu dhiibeen Jabhadaasi.
Wax war ahi kama uu soo bixin dhanka iyo dowlada Somaliland oo ku saabsan askartaasi ka goosatay ee ku biirtay jabhadaasi hubaysan mana aha markii u horaysay ee ciidan dawlada ka tirsani ay jabhadaasi ka soo dhex muuqdaan.
Shirkii golaha wasiirada ee shalay ayaa ay wararku sheegayaan in xukuumaddu ay aad arimahaasi uga hadashay.