Aaskii halyeygii Qaran Sangub oo la qabiileeyay iyo shacabka Soomaaliyeed oo aad uga xumaaday (Sawiro)  

Reading Time: 2 minutes

Waxaa maanta lagu aasay caasimada degaanka Soomaalida  Jigjiga Alllaha u naxariistee Marxuum Abwaan Maxamuud Cabdilaahi Ciise (Sangub). Marxuunka ayaa maalmo ka hor ku geeriyooday magaalada Addis Ababa halkaas oo intii uu noolaa si qalad ah loo geeyay.

Abwaan Sangub ayaa ahaa halyeey Soomaaliyeed oo umadda Soomaaliyeed u aragto in uu qayb ka ahaa soo celinta qaranimada Soomaaliyed. Waxaa sidoo kale uu ahaa wadani waqtigiisa galiyay adkeynta midnimada dadka Soomaaliyeed. Abwaanka ayaa ka gaabsaday in uu tago dalka Itoobiya sodonkii sano ee u danbeeysay noloshiisa laakiin.

Aaska Abwaan Sungub ayaa waxa inteeda badan hogaanka u haysay beesha uu ka dhashay ee Ogaadeen. Mas’uuliyiinta maanta ka hadashaday duugtiisa ayaa dhamaantood ka soo jeeday hal beel. Arintaan ayaa dad badan oo Soomaaliyeed galisay dareen aan qurux-badaynin iyaga oo ka jeclaan lahaa in Abwaan Sangub loo aaso si heer Qaran ah laguna aaso meel uu ka suran yahay calanka Soomaaliyeed.

Sangub ayaa inta uu noolaa waxa uu dhihi jiray aniga qabiil ma lihi qabiilkeyga waa Fanaan ama waxaan ka tirsanahay qabiil la yiraahdo fanaaniinta. Waxaan shaki ku jirin in uusan maanta jeclaysan lahayn sida sharafkiisa loogu soo koobo jufadda  uu ka dhashay helka uu heli karay 15 Milyan oo Soomaalyeed. Ilaah ha u naxariisto walaalkeen Abwaan Sangub.

Waxaan ku adkeynaynaa shacabka Soomaaliyeed ee nool Soomaaliya in ay tacsi rasmi ah  oo heer Qaran ah ugu dhigaan Abwaan Sangub gudaha dalka Soomaaliya  iyada oo lagu dhigayo tacsiyadaas magac ummadda Soomaaliyeed.

Halkaan ka daawo sawirada aaskii maanta: