Aas Qaran oo loo sameeyay Maxamed Khanyare Afrax (Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Salaadda Janaasada ku tukaday Alle ha u naxariistee Marxuum Maxamed Qanyare Afrax.

Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Marxuumka ku tukaday Salaadda Janaasada ayaa Alle uga baryey in uu u naxariisto, hoygiisana ka yeelo jannada. Sidoo kale, waxa ay samir iyo iimaan u rajeeyeen qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodey.

Janaasada Marxuum Marxuum Maxamed Qanyare Afrax waxaa ka qayb galay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Labada Gole, masuuliyiin heer Gobol ah iyo qaar ka mid ah duubabka dhaqanka.

Marxuumka oo Mudooyinkaan dambe xanuunsanaa ayaa shalay ku geeriyoday Isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho waxaana sida Qorshuhu yahey Maanta lagu wadaa in lagu Aaso Magaalada Muqdisho.