Aamino Xassan Xusseen Fasalka Jaamacadda ayaa lagu dhex-dilay ,Amnigii Faraha ayuu ka Baxay

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Muqdisho dhowrkii  Maalmood  ee lasoo dhaafay waxaa ka dhacaayay Falal kala duwan kuwaasi oo mid dhacdo yaableh oo naxdin wadata Xambaarsanaa.

Aamina Xusein Xasan oo dhiganaysay kuliyada shareecada ee jamacada somalia ayaa laba dhalin yaro ah oo hubeysan ku dileen gudaha xarunta jamacada Somalia (Uniso) ee ku tala xafada baar ubax agagaarka masaajidka nasru diin ee magalada muqdisho.

Raga dilka geystay ayaa gudaha ugalay fasalkii ay dhiganaysay aamina oo xiligaas ay xiisadi ka socotay kadibna rasaas madaxa kala dhacay,deedna baxsaday

Sida ay Muqdisho Online u sheegeen ardayda ku fasalka aheed Xiliga dilku dhacay ayay ardaydu kaso laabteen waqtiga nasashada ama (Break time) .

Dilalka Naxdinta leh ayaa maalmahaan joogto ka noqday Gudaha Magaalada Muqdisho,waxaana la aaminsan yahay in amniga Caasimada uu sii xumaanaayo