Aalka Sare oo Ka Doodaya Xeerka Lagu Mamnucay DP World Xili Buuq Siyaasaded Dhexdooda uu Ka Dhex Curtay

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa ku kala qeybsan xeerkii dalka looga mamnuucay Shirkadda DP World, kaasoo labo maalin ka hor ay meel mariyeen Golaha Shacabka.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ayaa ka soo horjeestay xeerkan iyo qaabkii uu u meel mariyay Golaha Shacabka, waxaana muuqata in Aqalka Sare markii labaad uu meesha ka saarayo qaraar ka yimid Golaha Shacabka.

Aqalka Sare ayaa ku adkaatay inuu degdeg u meel mariyo Xeerkan oo maalintii labaad ay ka doodayaan, waxaana laga yaabaa inay diidaan oo ay dib ugu celiyaan Golaha Shacabka.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in olole ay ka dhex wadaan Aqalka Sare Maamul Goboleedyada oo dadaal ugu jira in la diido xeerkan, si aanu dhaqan gal u noqon, maadaama Isniintii la soo dhaafay ay isku soo raaceen Xildhibaanada Aqalka Sare.

Arrinta DP World ayaa u muuqata in xiisad cusub ay abuurtay, iyadoo markii Golaha Shacabka uu soo meel mariyay mooshin kalsooni kala noqosho ah laga keenay Guddoomiye Jawaari, waxaana dad badan is weydiinayaan waxa ku soo beegay mooshinka Jawaari, maalin kaddib markii dalka laga mamnuucay Shirkadda DP World.