Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shir jaraa’id uu goor dhow qabtay waxaa uu ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka banaan ee Guddoomiyaha Golaha Shacabka,waxana uu ka mid ah ragi Moshinka ka kenay Jawaari.
Waxaa uu sheegay in xilkan uu waayo aragnimadeeda leeyahay, isla markaana uu xilli adag dalka u soo shaqeeyay, waxaa uu sabab uga dhigay inuu xilkan mar kale isku soo sharaxo inay tahay in aqoonteeda iyo kartideeda u leeyahay, si loo helo degenaansho siyaasadeed oo dalka lagu soo dabaalo.
Sheekh Aadan madoobe ayaa horay u soo noqday Guddoomiye Baarlamaan, xilligii dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf ee xarunta KMG u aheyd Baydhabo, waxaana xilka loo doortay bishii January sanadkii 2007-dii, xilligaasoo xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka laga qaaday Shariif Xasan oo sanadkii 2004-tii lagu soo doortay Kenya.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa lagu xusuustaa in markii uu is casilay Madaxweynihii hore C/llaahi Yuusuf inuu noqday Kusime Madaxweyne muddo 33 cisho, kaddibna waxaa xilka Madaxweynaha sanadkii 2009-kii loogu doortay Sheekh Shariif isku darkii labada Baarlamaan iyo Isbaheysigii Dib u xoreynta ee fadhigooda ahaa Asmara.