Aadan Barre Ducaale oo Weerar afka ah ku qaaday Dowlada Soomaaliya (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Aadan Barre Ducaale, oo ah hogaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka Kenya ayaa sheegay in mowqifkiisa ku aaddan khilaafka badda uu kala mideysan yahay dowladdiisa Kenya.

“Nin Soomaali ah baan ahay laakiin waxaan ahay Soomaali reer Kenya ah, waxaan ahay waddani qeyb ka ah dowladda Kenya, mowqifkeyguna waa in dhulka ama badda ay Kenya leedahay uusan qof kale qaadan karin, ha ahaato Soomaaliya, Tanzania ama waddan kaleba”, ayuu yiri Aaadan Ducaale.

Aadan Ducaale ayaa sheegay in uu jecelyahay sidii khilaafkaas loogu dhammeyn lahaa hannaan diblomaasiyadeed oo ay nabad ku dheehan tahay.

“Maadaama annaga iyo walaalaheenna Soomaaliya uu naga dhaxeeyo xiriir dheer oo ah xagga dowladda iyo xagga shacabkaba, mar walba waxaan dhihi lahaa khilaafkaas waa in lagu xalliyo si wanaagsan, oo labada dowladoodna ay arrinta hoos u dhigaan, ayuu hadalkiisa sii raaciyay Aadan Barre Ducaale oo la hadlayay BBC.