Aadan Barre Ducaale Iyo Qalbi-Dhagax Oo Ku Kulmay Nairobi(Sawiro)

Reading Time: 2 minutes

Hoggaamiyaha aqlabiyadda ee baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa xafiiskiisa waxa uu ku qaabilay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ka mid ah Saraakiisha ONLF dhawaana laga soo daayey xabsi ku yaalla dalka Itoobiya.

Kulanka ayaa waxa ay uga hadleen arrimo dhowr ah sigaar ah isbedelada Siyaasadeed ee dhawaan ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida iyo sida ugu wanaagsan ee Jabhada ONLF uga qeyb qaadan karto xoojinta Nabada ka jirta dowlad deegaanka Soomaalida.

Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa mudo ku dhow Sanad waxa uu ku xirnaa Magalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya kadib markii Dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay itoobiya balse markii dambe Cafis uu u fidiyey Ra’iisul Wasaaraha itoobiya Abiy Axmed lagu soo daayey.

Aadan Barre Ducaale ayaa uga mahad celiyey Ra’iisul Wasaaraha itoobiya oo cafis lagu siidaayey u fidiyey Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax iyo isbedelka Siyaasadeed ee uu ka buuray dalka Itoobiya.

Tan iyo markii Xabsiga laga soo daayey Cabdi Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax ayaa waxa uu ku sugnaa Magalada Nairobi ee dalka Kenya,isaga horay halkaasi kula kulmay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya.