Aadan B. Ducaale “.. muranka badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya Maxkamad ma xalin karto”

Reading Time: < 1 minute

Aadan Barre Ducaale oo ah Hoggaamiyaha aqlabiyadda Barlamaanka dalka Kenya  ayaa sheegay in muranka Badda ee u Dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya aan lagu xalin karin Maxkamada Caalamiga.

Adab Barre  oo kula hadlay  Suxufiyiinta kula hadlay magaalladda Nairobi ayuu sheegay inay Somalia iyo Kenya muddo dheer lahaayeen xiriir, kaasi oo aan marnaba wax u dhimin Muranka dhanka xuduudka ee u dhexeeya.

Waxa sidoo kale uu  tilmaamay inay Kenya si xooggan u maalgelisay Somalia, oo ay ku jiraan dhinacyadda Ammaanka iyo marti-gelinta qaxootiga ee 30-kii sanno ee la soo dhaafay, wuxuuna si maldahan u sii raaciyey inaan la oggolaanin in ilmaha lagu tuuro biyaha qubeyska, waa sida uu hadalak u dhigay.

Isaga oo arintaas ka hadlaya waxa uu yiri: “Wax badan ayaa khatar ku jira, waxaana u baahanahay Xal, Is-marin-waa’ga waa caafimaad-darro, waxaan haynaa arrimo badan oo lagu heshiiyo” ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Mar uu ka hadlayey Khilaafka Muranka Xuduudka Badda ee u dhexeeya Somalia iyo Kenya waxa uu sheegay inaan la hubin inuu xukunka Maxkamadda Caalamiga ee Garsoorka ee  ICJ ee fadhigeeda dhexe ku yaallo magaalladda The Hague ee dalka Holland  xal la hubo u noqon karo Muranka Xuduud-baddeedka Somalia iyo Kenya