Dowladda Canada ayaa maanta dib Soomaaliya ugu soo celineysa Aabe Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Yuusuf Maadey Maxamed, kaasi oo Shan sano kahor qaab Qaxootinimo ah ku galay dalkaasi.
Aabahan oo asalkiisii hore ka yimid magaalada Baardheere ee gobolka Gedo ayaa Qaxooti ahaan ugu jiray xeryaha Qaxootiga dalka Kenya, intaasi kadib ayuu ku dadaalay sidii uu aadi lahaa dalka Canada oo ay qoyskiisa ku nool yihiin, waxaana 2013-kii u suuragashay inuu Qaxootinimo ku galo dalka Canada.
Aabahan oo xaaskiisa iyo Afar caruur ah oo uu dhalay ku nool yihiin dalka Canada ayaa loo sheegay in dib loogu celinayo dalka Kenya oo uu ka wato Baasaboor, balse wuu diiday, wuxuuna Canada u sheegay in asalkiisa uu Soomaali yahay, dibna loogu celiyo dalkiisa hooyo.
Yuusuf ayaa sheegay in dareenkiisa aan la qiyaasi karin, oo uu murugeysan yahay, maadaama laga wadayo qoyskiisa, wuxuuna maanta kahor inta aan dib loogu soo celin Soomaaliya la kulmi doonaa Wasaaradda Socdaalka dalka Canada.
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaalada Edmenton ayaa wada dadaalo ku adaan sidii ay ku baajin lahaayeen dib u soo celinta abaahan Soomaaliyeed, oo sanado kahor la midoobay qoyskiisa.