Aabe si argagax leh u dilay wiilkiisa oo lix jir ahaa

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka booliiska Soomaaliya ayaa degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir ku qabtay aabbe ku eedeysan in degmada Hiliwaa dil argagax leh ugu geestay wiil saqiir ah uu dhalay.

Aabaha dilka geestay oo magaciisa lagu sheegay Maxamed Cali Cilmi oo 45 sanno jir ah ayaa toorey ku dilay wiilkiisa Maxamuud Maxamed Cali oo 6 sanno jir ahaa, lamana oga ilaa hadda sababta uu aabahan wiilkiisa u dilay .

“Ciidanka saldhigga booliiska degmada Cabdicasis ee Qeybta Guud Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku soo dhigay edeysane Maxamad Cali Cilmi Ina Xaawo Cali Iimaan 45 jir ah, oo ku eedeysan inuu degmada Heliwaa toorey ku dilay wiilkiisii Marxuum Saqiir Maxamuud Maxamed Cali Cilmi oo 6 sano jir ahaa” ayaa lagu yiri war kasoo baxay booliiska.

Taliska booliiska gobolka Banaadir ayaa sheegay in baaris ku wadaan sababta aabahan u dilay wiilkiisa, waxaana dilkan si weyn uga argagaxay dadka ku dhaqan degmada Hiliwaa iyo dadkii kale ee maqlay dhacdadan.