Aabe iyo wiilkiisa oo xalay la dilay iyaga oo dukanaya salaadda cishaha

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya  Gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in habeenkii xalay ahaa ay maleeshiyaad hubeysan  dil arxan darro ah ugu geysteen qaybo ka mid ah deegaanka Dhisaq Shurufle oo ka tirsanaa gobolkaasi.

Warka ayaa sheegaya in dilka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa loo geystay Aabe iyo wiilkiisa xilli ay dukanayeen Salaadda Cishe, sida ay inoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah. Aabaha ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Sheekh Cismaan Axmed Geedi, waxaana si weyn looga yaqiinay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 Dhacdadaan lagu dilay Sheekh Cismaan iyo wiilkiisa ay salka ku heyso aanooyin Qabiil oo ka taagan halkaasi. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Galmudug oo gaaray deegaanka ay mashaqada ka dhacday ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay gacanta ku soo dhigeen labo ka mid ah maleeshiyaadka.

AUN Sheekh Cismaan Axmed Geedi ayaa horey usoo noqday guddoomiyihii maxkamadda degmada Cadaado, waxaana la filayaa in maanta isaga iyo wiiliisa lagu aaso halkaasi. Dhinaca kale wararka laga helayo deegaanka ay mashaqadu ka dhacday ayaa sheegaya in xiisad ka dhalatay dhacdadaan laga dareemayo halkaasi oo ay ka jiraan dhaq-dhaqaaqyo kala duwan.