Nabadoon Muxyadiin”Yariisoow Go’aan kuma gaari karo weerarka Muuse ee hoos ayaa looga soo dhiibay”

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ayaa dhawaan waxaa uu ku hanjabay in uu weerar ku qaadi doono guriga uu muqdisho ka degan yahay senatar Alxaaji muuse suudi yalaxoow,taas oo dhalisay caro badan oo dhanka shacabka ah.

Iyadoo ay sidaasi tahay ayaa nabadoon muxyadiin jimcaale oo la hadlay warbaahinta waxaa uu digniin u jeediyay gudoomiye Cabdiraxmaan Cumar Cismaan”Yariisoow” waxaa uu ugu baaqay in aan loo adeegsan dadkiisa.

Nabadoonka ayaa xusay in go’aankaasi aanu aheeyn mid kasoo fulay Yariisoow hasa’yeeshee daaha-hoostiisa looga soo dhiibay’waana looga bixi doonaa” ayuu yiri.

Dad badan ayaa waxaa ay aaminsan yihiin in Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan”Yariisoow” go’aankaasi loosoo dhiibay.