Xil-Fowsiyo”Kheeyre ha ogolaado in lasoo gudbiyo sharciga doorashooyinka”

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanad Fowsiyo yuusuf xaaji aadan ahna Gudoomiye xisbi oo la hadashay mid ka mid TV-yada Soomaalida ayaa waxaa ay xafiiska r/wasaare kheeyre ka dalbatay in si deg deg ah uu u gudbiyay sharciga doorashooyinka qaranka.

Waxaa ay sheegtay in ay ogsoon yihiin in sharcigaasi lagu hakiyay Xafiiska Ra’iisul wasaare Xassan cali kheeyre islamarkaana uu ka leeyahay dano gaar taasna ayna aqbali doonin.

Axsaabta Siyaasada dalka ayeey sheegtay in ay ilgooni ah ku eegayaan arrimaha doorashooyinka taasi oo laga cabsi qabo in qaab aan wanaagsaneeynin in ay u maamulaan dowlada hada jirto.

Dhowr jeer oo hore ayaa sidaan oo kale waxaa dowlada loogu eedeeyay in ay sharcigaas meel mariso waxaana la isku raacsan yahay in R/wsaaare kheeyre ku dhegan yahay.