Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo eedeeyn Kulul loo jeediyay (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Iyadoo dhawaan shir looga hadlaayo arrimaha Baarlamaanada Maamul goboleedyada iyo Dowlada uu ka furmay Magaalada Garoowe ee xarunta Maamulka Puntland islamarkaana laga reebay maamulka Galmudug ayaa waxaa arinkasi ka dhashay khilaaf xoogan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in Galmudug aysan u hagaansami doonin qodobada kasoo baxa shirka sharci dajinta Baarlamaanada dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowladd goboleedyada oo maalintii labaad ka socda magaalada Garowe.

Mudane Gacal ayaa sheegay in Galmudug laga saaray ka qayb galida shirka, waxaana uu eedayn u jeediyey gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland in uu is hor taagay ka qayb galka shirkaasi oo uu sheegay in uu ku casuumay gudoomiyaha shacabka Soomaaliyeed.

Eedeeyn loo jeediyay gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaana la ogeeyn qaabka uu uga jawaabi doono