Bulshadda Soomaaliyeed  oo durba ka qeeyliyay Maamul Xumida Gudoomiye Yariisoow Iyagoo Xasuusta Dhowr uur-kutaalo oo uu ku lug lahaa!!

Reading Time: 2 minutes

Bulshadda Soomaaliyeed  oo durba ka qeeyliyay Maamul Xumida Gudoomiye Yariisoow Iyagoo Xasuusta Dhowr uur-kutaalo oo uu ku lug lahaa!!

Tan iyo markii la magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow bulshada yaridka ah qeeybaheeda kala duwan waxaa soo wajahay niyad jab iyo cambaareeyn  culus oo ay u jeedinayaan Madaxweyne Farmaajo iyo R/wasaare Xassan cali kheeyre

Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow bulshada Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa la rumeeysan yahay in uu ku yimid rag iska dhicis iyo la dagaalan Taabid oo ka socday Villa soomaaliya gaar ahaan xafiiska Xassan Cali kheeyre dadka ildheer garadka ah ayaa marka ay dhaliilayaan Yariisoow waxaa ay soo qaadanayaan Daliilo cad cad

Baraha bulshadda gaar ahaan Facebook-ga dadka isticmaala ayaa si weeyn u gorfeeynaayay Yariisoow tan iyo kolkii la magacaabay,waxaan soo qaadaneeynaa Qoraal kooban oo uu bartiisa facebook-ga soo dhigay Mid ka mid ah Bulshadda Soomaaliyeed kaasi oo suureeynaaya Fashilka Gudoomiye Yariisoow


1) Yariisow soo ma’ahan midka Tagsiilaha ka ahaa Ingiriiska ee qoyskiisa maamuli waayay.

2) Yarisoow soo ma’ahan midka dadkii isku qoyska ahaa ee jilib lagu xasuuqay xaqoodii duudsiiyay.

3) Yarisoow soo ma’ahan midkii rayidkii Bariire lagu xasuuqay Argagaxiso ku tilmaamay

4) Yarisoow soo ma’ahan midkii Qalbi dhagax dhiibistiisii qiil u sameeyay.

5) Yariisoow soo ma’ahan midkii Onlf Argagaxiso ku tilmaamay.

6) Yariisoow soo ma’ahan midkii Caruurta qalbi dhagax xamar ka qaxshay.

7) Yariisow soo ma’ahan midka xaqii shaqaalaha warfaafinta cunay .

8) Yariisow soo ma’ahan midka dumarka uu ku xad gudbay ay warbaahinta ka qaylinayaan.

9) Yariisow soo ma’ahan midka diidan in ay maqaam hesho Muqdisho.


Waxaa uu sii Raaciyay Dardaarankaan’’Yarisoow ma ahan nin magaalo maamulo ee waa nin isaga la maamulo marka dadka reer muqdisho ma mahdin duqa la maamulo mana filanayaan maqaam iyo maamul magaalo’’

Muqdisho Online oo ah Warbaahin Madax Banaan ayaa mar walbo waxaa ay idinla wadaagtaa Qormooyin iyo sidoo kale Xoggo Xasaasi ah,waxaana goor-dhaw idiinsoo gudbi doonaa waxybaaha uu ku fashilmay durba Yariisoow

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!