Gudoomiyihii Degmda Mahaday oo Xil Ka Qaadis Lagu Sameeyay(AKHRISO)

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Hir-shabeelle oo xafiiskiisa Wareegto kasoo saaray 20/2/2018 ayaa xilkii ka qaaday gudoomiyihii degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha dhexe Cabdullaahi Maxamed Xuseen Geeldoox.
Sababta xil ka qaadista ayaa lagu sheegay in ay aheyd xil gudasho la’aan iyo in uu mudo dhowr bilood ah degmada ka maqnaa.
Sidoo kale laamaha amniga Hir-shabeelle ayaa lagu wargaliyay in xiligaan wixii ka dambeeya uu yahay Shacab.
Ma jiro mas’uul loo magacaabay degmada Mahadaay ee Gobolka Shabellaha dhexe.