Dowladda Federaalka ayaa shaacisay in 80 ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal Ciidanka Xoogga Dalka, Ciidanka Daraawiishta Galmudug, maleeshiyada Degaanka iyo Saaxiibada Caalamiga ay ku qaadeen degaanka Shabeeloow ee u dhaxeeya magaalooyinka Qaycad iyo Bacaadwayne ee gobalka Mudug.
Warka kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Howlgalkaan uua ka danbeeyay kadib markii Ciidanka is-garabsanaya ay weerar qorshaysan ku qaadeen fariisin wayn oo Khawaarijtu ay ku lahayd deegaanka Shabeelow, wuxuuna howlgalku uu socday in ka badan 10-saacadood.
Ciidamada dowladda iyo Galmudug ayaa la sheegay inay si buuxda ula wareegeen deegaanka lagu dagaalamay, iyagoo sidoo kale nolosha ku qabtay maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijta kuwaasi oo qaarkood ay qabaan dhaawacyo.
Waxaa kaloo jira maleeshiyaad gaaraya ilaa iyo 14 oo isu dhiibay Ciidanka dowladda ee ku sugan gobalka Mudug, sida lagu sheegay warka kasoo baxay dowladda Federaalka.
Dhinaca kale weerarkii Alshabaab ku qaaday Guri ku yaalla degmada C/casiis ee magaalada Muqdisho ayaa lasoo gabagabeeyay, iyadoo lagu dilay 4 dalbey ah oo ka dhex dagaalamay Gurigaasi oo lagu daweyn jiray ciidamada Macawisley ee ka dagaalma Gobolka Hiiraan.
Alshabaab ayaa sheegatay inay weerar ka ku dishay 70 qof oo u badan askarti macaawisleyda, waxaana la sugayaa warka Hay’adaha Amniga ee Dowladda Federaalka.