Maanta kowda duhurnimo ayaa ay ku ekeed xiligii loo qabtay Xaaji Muuse Suudi Yalaxow iyo dadka degan deegaanka Mariina ee degamada Karaan in ay ka guudraan degaankaaas hadana wax talaabo oo ay dowlada qaaday ilaa hada ma jirto.
Ma aha markii ugu horeeysay oo ay dowlada Federaalka go’aan soo saartay hadana aysan fulin arimradaas. Dhowr bilood ka hor ayaa ay ahayd markii uu Farmaajo amar ku bixiyay in la burburiyo goobaha ganacsiga ee laga dhisay jardiinooyinka ku yaalo magaalada Muqadishu. Ilaa iyo hadda ma jirto dhismo la buburiyay? Waa la iska dhaafay cid ku daba jirtaana ma jirto.
Hadaba maxaa talaabo ah ayuu qaadi doonaa Farmaajo? Mise laga yabaa in uu ka cabsaday in uu ka hortago cududa ciidan ee ku sugan degamada Kaaraan?
Wixii soo kordha gadaal ayaan idinkaga soo sheegi doonaa?