Madaxweyne Deni oo in mudo ah ka dhaga adeegayay in uu fududeeyo doorashada gudoonka deeganada ay ka dhacday doorashadii qof iyo cod ayaa ugu danbeyntii lagu qasbay in uu ka hor wareego doorashada si loo taabagaliyo rabitaan shacabkii doorashada codkooda ku dhiibtay.
Hadaba Degmada Ufayn ee Gobolka Bari waxaa maanta ka dhacaysa doorashada gudoomiyaha iyo gudoomiye ku xigeenka golaha degaanka oo ku soo baxay doorashadii qof iyo cod ee qabsoontay 25-kii October.
Natiijada TPEC ay soo saartay ururka Kaah ee xukuumadda Puntland ayaa kaalinta ku galay helitaanka kuraasta ugu badan waxaana u soo baxay 10 Xildhibaan. Ururada Mucaaradka ah ayaa iyaguna kuraas fiican ka hellay doorashada kuwaas oo kala ah Ururka SINCAD 7 Kursi iyo Mideeye 8 Kursi.
Ururada Sincad iyo Mideeye ayaa midow samaystay waxayna ku heshiiyeen in ay iska taageeraan doorashada labada degmo ee kala ah Qardho iyo Ufayn iyagoo isku afgartay in SINCAD ufayn qaadato mideeyena Qardho.
Doorashada waxa ku tartamaya musharrax Ahmed Mohamud Jeenisayr oo ka socda Kaah iyo Ahmed Abshir Dhega-bir oo ka socda Sinaan Iyo Caddaalad.