Sida uu horayba ugu balan qaaday beesha Habar Gidir ayaa Madaxweyne Farmaajo Waxa uu maalin tii shalay ahayd u xaqiijiyay beesha Habar Gedir in dilkii Ceydiid oo horay Maxkamad ugu xukuntay dil laga noqday, mar dhawna la sii dayn doono.
Waxa ay ahayd bil ka hor markii maxkamadda Ciidanka dil ku xukuntay Caydiid ka dib markii lagu cadeeyay in uu dilay wasiir siraaji.
Hadaba halkeey beey qoyskii uu ka dhashay Wasiir Siraaji ay u raadsan doonaan cadaalad. Sideese wadan hogaankiisu Sida cad ugu loogu tagri falayo xuquuqda muwaadinka looga filayaa in uu umadda cadaalad gaarsiiyo.
Xildhibaan Adan Isaaq ayaa sheegay “waxaan sugaynay in la fuliyo go’aankii Maxkamadda, hadiisa ay rumowdo in laga noqday go’aankaas dowladnimo soomaaliyeed waa dhimatay, waxaana mas’uiliyadeeda qaadaya Madaxweyne Farmaajo”