Inta badan Safarrada Madaxda dalka u baxaan waxaa loo baxaa in dalka wax loogu soo qabto hasa yeeshee safarkan uu hadda PMka ku joogo Davos waxaa ka muuqata inuu yahay mid dan gaar ah oo ay isaga qoyskiisa leeyihiin, kharashkasa dusha loo saaray qaranka tacbaanka ah.
Safarka marka laga tago dadka xilalka dawliga ah haya ,waxaa safarka mid ah Milkiilaha Hoteel Jazeera ee Muqdisho iyo qoyska R/Wasaaraha. MIlkaiilaha oo ay R/Wasaaraha ilma adeer yihiin waxaa lagu naaneysaa loona yaqaan Gaambe waxaanu Xasan Kheyre ku wareejiyey nus kamid ah saamiyadii uu ku lahaa Shirakadda SOMA OIL iyadoo nuski kalana uu ku qortay xaaskiisa.
Sawiiro intooda badan ka dhacay hoteelka daaraddisa ayaa waxay R/Wasaaraha iyo ciyaalkiisa soo geliyeen baraha Bulshada, iyadoo qaarkood ay aad uga baxsanaayeen habdhaqanka dibolomasiyadda ee madaxda adduunka.Tusaale waxaa baraha bulshada la soo dhigay R/Wasaaraha oo si ugu jiifsan laabta R/Wasaaraha Kanada, taas oo ah meel ka dhac dhinaca ku ah dibolomasiyadda caalamaiga.
R/Wasaaraha Kanada Justine Treoudou sooma dhigin sawirada Kheyre uu daaradda kula galay barihiisa facebook iyo twitter ee wuxuu soo dhigay kulamadii rasmiga ahaa ee uu la galay madaxda adduunyada. Sidoo kale R/Wasaare Kheyre qofka oo uu daaradda hoteelka iyo goobta shirka ku salaamo wuxuu la galahaa igu sawir. Waayo sawirada madaxdaas midna ma fadhiyaan oo waxaa la iska hor yimid, waxaanu sheegay inay madaxdaas ka wada haaleen arimo badan danaha labada dal. Haddaba kulamdii ayaa taagnaan loo badalay sannadkaas. Kooxad Baniga adduunka waa laga yaabaa inay fadhi wada galeen, waxaasa la hubaa inay fadhiyo badan wada galeen koox ka socotay dalalka Ruushka, Norway iyo Kenya, kuwaas oo looga hadlay xaalka SOMA OIL.
Sawirkaan kore waxaa uu ka mid yahay alaabtii iguana sawir oo mid waliba inta laga horyimaado aaaa la lahaa marken galanta geliyo sawirka hala ganin.
Safarka waxaa ku baxday lacag aad u badan waayo Davos waa qaali waxaana ka soo qeyb gala dawlado ganacsi iibiya. R/Wasaare Kheyre waxaa uu halkaas u tagay waa inuu kheyraadka dalka ka iibiyo SOMA OIL iyo kooxhada ka qawleysta waddamaada tabarta daran. Lacagta ku baxaday intii uu halkaas joogay isaga wafdigiisa waxay mushaar siin kartay ciidanka Qaran muddo dhowr bilood ah, kadib markii ay dawladdiisa ka codsatay inay ka joojiyaan kabkii ay bixin jireen dalka Mareykanka si ciidanka uu isaga kala tago.
Dhinaca kale, waxaa madaxtooyada ka soo baxaya warar sheegaya inuu mari doono Kheyre halkii uu maray Tabit oo hadda qarka u saran in la xero. Waxaa wareegaya clips laga sameeyey Kheyre iyo khaldaadkiisa kaas oo si cad ay uga muuqdaan wax qabad li’I iyo hogaan xumo. Clipyadaas waxaa la aaminsan yahay inay sameysay madaxtooyada si marka hore Kheyre dadka loo nacsiiyo kadibna cidla lagu qasho.
Dadka Siyaasadda aadka u odorosaa waxay leeyihiin waxaa soo socda nin ay ku soo tufeen ictisaam shirkoodii Kismayo kadib, haddii laga hor yimaadana aysan habaar oo kaliya ku siman doonin laakiin ay burhaantooda soo kicin doonaan.
Ictisaam waxay dadku qabaan inay heshiis ku meel gaar ah la galeen shebaab, iyadoo Farmajana u ballanqaaday inuu dhameysanayo 4 tiisa sano haddii uu ogolaado in la keeno wasiirro ictisaam ah iyadoo la siinayo wasaradaha Cadaalladda, Awqaafta iyo Diinta, Maxkamadda Sare, iyo NISA oo isku duuban ama iyadoo laka jebiyey la siiyo Ictisaam qeybta amniyaadka.
Sidoo kale waxaa dalka la soo geliyey hub aad u badan oo uu Sacuudiga keenay, hubkaas in badan oo ka mid ay gacanta shebaab ku dhici doonaan iyadoo qaarna la leeyahay waxaa loo gudbin doonaa waddamada deriska. Waxaana soo socota shixnad kale oo hub ah. Hubkaan inkasta oo uu Sacuudiga bixiyey haddana waxaa ka odeysay Masaarida oo rabta inay Dawladda Somaliya la taageero si ay u noqoto cudud berry la isku hallayn karo.
Ugu dambeyn R/Wasaare Kheyre safarkiisa waxaa uuu aha khasaare dalka soo gaaray, marka la ergo kharshka ku baxay oo milyan dollar kor u dhaafay, waxaana uu guul u ahaa Kheyre iyo qoyskiisa oo haddiiba ictisaam kursigiisa soo arkadaan uu ku baxsan doono.