65 Sarkaal oo loo dalacsiiyay Al Sunna iyo beesha Ceyr, iyo dareen ka dhashay!

Reading Time: 2 minutes

Xasan Cali Kheyre oo ka jawaabaya qoraalkii shalay ka soo baxay Hogaanka Al Sunna Wajeeca ayaa waxa uu maanta qalinka ku duugay dalacasiin saraakiil ay soo qorteen Al Sunna Wajameeca. Shalay ayaa qoraal ka soo baxay Al Sunna ku eedeysay Xasan Kheyre in uu ku balan furay  heshiiskii dhex maray Dowlada Fedaraalka iyo Al Sunna. Waxa kale oo ay ku eedeeyeen in uu ka gaystay Xadgudubyo degaanka ka tirsan Galmudug.

Habeenkii xalay ahaa ayaa kooxda Al Sunna Wajameeca waxa ay ku goodisay in ay ciidamada Kheyre ka saari doonto garoonka diyaaradaha ee Dhuusamareeb hadii uusan si deg deg ah wax u qaban cabashadooda. Go’aanka maanta iuu qaatay Kheyre ayaa ujeedadiisu ahayd in la maaweeliyo AL Sunna inta lagala wareegayo degaanada Al Sunna oo ay hadda gacanta ku hayaan.

Dhanka kale talaaabada uu maanta qaaday Xasan Kheyre ayaa waxa ay sii fogaysay beelaha kale ee dega Galmudug oo horay uga biyo diidsanaa in ay tagaan magalada Dhuusamareeb. Mid ka mida odoyaasha dega Galmudug hadana ku sugan magaalada Hobyo oo ka gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa u sheegay MOL in xaq daro tahay in hal beenl65 sarkaal darajo aan xaq ahayn la siiyo.

Waxa uu yiri “ninka caqligiisu siisay in uu hal beel saraakiil u dalacasiiyo miyaad ka sugaysaa in uu nabad ka shaqaynayoadeer dowlad kama jirto dalkaan, marnaba ma aqabalayno in beelaha walaalaha ee wada daga Galmudug qoryaha la isugu dhiibo, qaarna ciidan loo dalacsiiyo qaarna sacaboolooy noqdaan isku deegaana kuwada noolaadaan.

Waxaa ayaga dhankooda ka soo horjeestay talaabada  uu qaaday Xasan Kheyre oo ah ay ku tilmaameen in ay tahay mid sharci daro ah. Saraakiisha ayaa sheegtay in dalacsiinta ciidanka ayan ahayn raashin la qaybinayo iyo beelaysi ee ay ku timaadaa aqoon iyo waayaragnimo. Sarkaalka  ayaa yiri “..wiilka caawa ku dhimanaya deegaanka adhheegle oo hor taagan shabaabka ma waxaa ka xaq badan mid sheeganaya beel iyo koox oo aan soo maran tabab ciidan, dowadladnimadii waa la qaribay”.