Ugu yaraan 50 hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo ka socda Waqooyi Kenya ayaa lagu wadaa inay ka qeyb-galaan caleemo-saarka Jubbaland dhammaadka usbuucan.
Xaqiijinta wafdiga la filayo in lagu qabto garoonka Diyaaradaha ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo Sabtiga, xildhibaanka laga soo doorto Gaarisa Aadan Ducaale ayaa sheegay inuu hogaamin doono wafdiga ka qeybgali doona caleemo saarka hogaamiyaha Jubbaland, Axmed Islaam “Madoobe.”
Waftiga ayaa ka koobnaan doona gudoomiye, guurti iyo xubno ka tirsan barlamaanka kana soo jeeda gobolada Wajeer, Gaarisa iyo Mandheera.
Subaxnimada Sabtida ayaan hogaaminaya wafdiga, ayuu Ducaale u sheegay Muqdisho Online isagoo aan faahfaahin ka bixin magacyada ku jira liiska hoggaamiyeyaasha ku wehelin doona weftiga.
Waftiga Waqooyiga Kenya ayaa ku biiri doona hoggaamiyeyaasha kale ee Soomaaliya ee ka kala socda xisbiyada mucaaradka iyo madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii ka horreeyay, Sheekh Shariff Sheekh Axmed ayaa galabta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Waxaa wehliyay xildhibaano ka tirsan baarlamaanka federaalka iyo aqalka sare.
Wufuudda Muqdisho waxaa ka horeeyey wefti kale oo ka socda Dawlad Gobaleedka Puntland oo uu hogaaminayo madaxweynaha, Saciid Cabdulaahi Deni iyo dhowr sharci dejiyeyaal gobol. Madaxweyne Deni waxaa wehelinayey hoggaamiyihii hore ee Puntland, Cabdullaahi Faroola.
Deni wuxuu yiri “dadka reer Puntland way ku faraxsanyihiin kuna taageerayaan hoggaanka ay doorteen kaasoo Jubbaland wax badan ka bedelay.
Madaxweyne Deni ayaa yidhi: “Ma oggolaanayno in xakameynta hawadda loo adeegsado hubka siyaasadeed, waana lagula xisaabtami doonaa madaxda Federaalka ah” ayuu yiri Madaxweyne Deni. Wuxuu ka jawaabayay dhacdadii labo isbuuc ka hor lagu xayiray Madaxweynihii hore, Sheekh Shariif lagu joojiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde xilli uu ku wajahnaa inuu diyaarad u magaalada Kismaayo. Dhacdadan ayaa dhalisay dib-u-habeyn siyaasadeed oo weyn iyo isbahaysi suurtagal ah ka hor doorashooyinka 2020-ka ee madaxweynaha.
Labada wufuudba waxay soo dhaweeyeen Madaxweynaha Dawlad-goboleedka Jubbaland, Axmed Madoobe oo guushii doorashada dib-u-doorashadiisa ay ku loolamaya madaxweynaha federaalka, Maxamed C / llaahi Farmaajo.