5-taan Qodob ayaaa Ugu Muhiimsan Shirka Baydhabo Lagusoo Gabagabeeyay!!

Reading Time: < 1 minute

Shirkii Magaaladda Baydhabo uga Socday Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Hogaamiyayaasha Maamul Goboleedyadda ee Xalay saqdii dhexe lasoo Gabagabeeyay ayaa waxaa laga soo saaray Qodobo Dhowr ah Hase’yeeshee waxaan idiinsoo gudbineeynaa 5-Ta qodob ee ugu Muhiimsan

1:in doorasho qof iyo Cod ah ay dalka ka dhacayso Sanadka 2020 oo ay Ku raasta Barlamaanka ku tartami donan Xisbiyo Siyaasadeed .

2: in la mideeyo Canshuuraha Dalka.

3: in lagu heshiiyey qaybsiga khayraadka dalka.

4: dhameystirka dastuurka KMG Dalka

5: in la qaadayo Howl Gal lagu furayo Wadada isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo iyo guud ahan Goobaha ay shabab kaga sugan yihiin dalka oo dhan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ka hadlay Munaasabadda ayaa tilmaamay in dhamman qodobada Shirka loo Gudbin doono Barlamaanka Soomaaliya. 

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!