5-sargaal oo shaqo joojin lagu sameeyay ka dib Markii ay isqabteen Fahad-yaasiin (Aqriso sababta)

Reading Time: < 1 minute

Wararka nasoo gaaraya ayaa waxaa ay sheegayaan in Shaqo joojin lagu sameeyay 5-sargaal oo ka tirsanaa Ciidamada Hay’adda Nabad-sugida iyo sirdoonka Qaranka.

Wareegto Maanta ka soo baxday Xafiiska Hay’adda nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA waxaa lagu shaaciyay in xubno ka tirsan Hay’adda aysan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA.

Wareegtada oo lagu Baahiyay barta Twitter-ka ee NISA ayaa waxaa lagu sheegay in shan xubnood ka tirsan hay’adda ay ka hor yimideen hanaanka shaqo gudasho iyo danaha qaranka,isla markaana aan laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah.

“Wareegto maanta kasoo baxday Hey’adda ayaa qeexday in shan xubnood oo ka horyimid hanaanka shaqo gudasho & danaha qaranka, aysan u qalmin kasii mid ahaanshaha NISA, laguna aamini karin shaqo qaran oo xasaasi ah”yiri warka ka soo baxay NISA.

Warar lagu kalsoonaan karo oo heshay mol ayaa waxaa ay sheegayaan in xubnahaas Shaqada laga Eryay ay isku dhaceen kuxigeenka Nabadsugida Fahad Yaasiin,isla markaana sidaas shaqada looga Eryay.