Waa la hubaa in Xaaladdaan dad badan oo somaliyeed ay la qalafsan tahay, oo ay jiriiriconayaan in mar kale kooxdii shabaab xididada u gelisay dowladnimada Somaliya ay maanta la soo noqdeen isku day inay fashiliyaan dagaalka Shabaab lagula jiro. Waa ddhab inay xasaasi ku tahay argagixisada cabsida weynna ee soo haysa waayo waxaa maalmo dhow bilaaban doona dagaalkii dhamaadka Alshabaab, kadib markii wejigii hore uu jidkaa u furay inay kooxdu yihiin kuwa aan hawl badan u baahneyn ee u baahan inay ciidanka daba socdaan oo kaliya iyo qorshooyin milateri oo xagga iyo xagga laga dhigo.
Afar wiil oo afka loo soo duubay oo qoryo sidata oo meel bannaan ah xabado ku fura ama suuq la buux bam gacmeed ku tuura oo la maqlaa ayey guul ka dhigtaan iyo inay qarax la doontaan dad masaakiin ah ama ciidan aan dagaallameyn balse marka leys hor yimaado waxay jeediyaan dabada.
NN waxay ka xun yihiin miyaa In kor loo qaaday tayada iyo tababarrada ciidamada, foojignaanta iyo kuwa amniga si ay si wanaagsan uga jawaabaan ugana hortagaan weerarada fuleynimo.Ogow waa ciidanka XDS kuwa ugu taga halka ay joogaan argagixisada waqti walba ee aan ku sugin inay Dekadda Xamar iyo Suuqa Bakaaraha Canshuur ka qaataan.
Sidoo kale culimada oo taga goobaha dagaalka maadaama kooxda lala dagaalayaa ay tahay mid diin ku qaraabaneysa si ay ugu caddeeyaan ummadda inaysan waxa diin ahayn wadin ee ay dad gaar ah tahay taas oo ay rabaan inay xukunka ku gaaraan.
Sidoo kale saxafadda ama suxufigii baahiyaa warar been abuur waa in sharciga dalka lala tiigsadaa iyadoon waxba loo dhimeyn xorriyadda hadalka. Waayo warabixintaan lagu kabay muqaallo isasaar ah markii aan u kuurgallay waxaa noo soo baxday in ujeedadu tahay marin habaabin, cabsi iyo been abuur loogu talagalay:
- Faan iyo in uu Ciidan dhisay Farmaajo, iyadoo hoggaankiisa u ahaa kii ku dhex beeray dhamaan hay’adaha dowladda Al Shabaab oo ay ciidamada dhexdooda shai abuurtay kuna jiraan shakhsiyaad sarsare oo shabaab ah, kuwaas oo maalinba mid la soo qabanayo, ama uu is halligayo kuwana ay baxsanayaan.
Coddeyaha muuqaalka Cabdirizak Terra ayaa ka mid ah ragga loo daba joogo ka mid ahaanshaha iyo u dusinta xogo muhiim ah Al Shabaab, isaga iyo dhalinyaro dhowr ah oo lala xisaabtami doono mar aan dheereyn ayaa la soo bandhigi doonaa.
- Kooxda barnaamijkan sameysay ee NN oo hadda qaarkood ay ku socoto baaris ku saabsan u adeegidda Al Shabaab intii ay maamulka ku jireen ama xataa ay ka agdhowaayeen, ayaa rabainay yiraahdaan waa nala beegsaday kadib markii aan hadallay iwm. Hadalkaaga iyo Falkaaga waa laguu xisaabin wixii kaaga soo baxa ayaana leedahay.
- Al Shabaab oo iyada lafteeda oo NN qaarkood ku handaday inay bannaanka soo dhigi doonto xogaha ay ka hayso haddaan dhinca saxaafadda iyo baraha bulshada laga taageerin loon sameyn dacaayad iyo buunbuunin ay ku kabto dhaawaca dagaalka ka soo gaaray oo ah mid niyadeed, mid qalab iyo mid dadeed ah, kadib markii ay dhallinyaro badan fahmeen in dhexjoogga shabaab uu mar waliba dhimasho u yahay dhallinyaradaasa ama Ciidanka XDS ha ku dilo ama shabaab qarax hakugu soo xero.
Waxaa la joogaa xellligii uu hogaanka dalka, MW Xasan Sheekh, la soo bixi lahaa gacan adag oo qofka aan wax qaban Karin ka wareejiyaa maamulka ama hogaaminta Ciidanka, Siyaasadda, Dhaqaalaha iyo hogaamiyayaasha bulshada ee aan la shaqeyneyn dowladda, si Shabaab looga cirib tiro dalka.
Ugu dambeyn shacbiga Somaliyeed waxay maanta haystaan fursad ay shacbi xor ah ku noqon karaan oo ay kaga gudbi karaan xeyndaabkii iyo cabsidii ay muddada dheer ugu jireen Shabaab oo maanta soo gaaray inay Shitaan kaarkoodii ugu dambeeyey sida shakhsiyaadkii ay 5tii Sano ee Farmajo ku beerteen hay’adaha dowladda uu midba maalin is halligayo ama uu baxsanayo, waana calaamadaha naf la caarinimo, waxaana la hubaa in shakhsiyaad la yaqaanno aad arki doontaa iyagoo baxsaday ama is qarxiyey inta lagu guda jiro wajiga labaad ee dagaalka dhmaadka Shabaab. Su’aashu waxay tahay 5 Sano oo Shabaab ku beeris hay’adaha dowladda ah , NN maw axay la Soo noqdeen isku dayga Fashilinta Dagaalka wajiga labaad ee dhamaadka Shabaab? Waa idinka diidnay!!