Sidee Gogol Somaliyeed u  Fidin Karaa Ruux sidaan U Cuqdadeysan?

Reading Time: 3 minutes

Waxay aad ula yaabeen Somalidii sida tooska ah u daawaneysay Caleema saarkii Siciid Deni dhaqankii dhallaannimo ee uu goobtiisa ka muujuyey. Marti sharaf  badan oo uu ugu sarreeyey MW JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hawl deeyey si ay uga qeyb galaan weyneynta iyo caleemasaarka Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Siciid  Cabdullahi Deni, taas oo soo jiidday inay madax badan oo kala duwan ay goobtaas tagaan madaama uu Madaxweynaha JFS tagayo.

Laakiin waxaa wax lala yaabo noqotay habdhaqan aan qof gob ah lagu aqoon oo uu goobta ka sameeyey ruuxii ay dadkaas faraha badan dartiis u tageen inay u soo hambalyeeyaann waa Siciid Cabdullahu Deni si kasta oo ay doorashada ku dhacdayba taas oo uu bannaanka dhigay tartamayaal badan oo Puntland iyo Somaliya uga wanaagsanaan lahaa haddii ay kursigaas ku soo bixi lahaayeen.

Khudbado qiimo badan ayaa halkaas laga jeediyey waxaan dhammaantood haddallada madaxda iyo martisharafta hadashay ka muuqatay waddaniyad iyo midnimo iyadoo martidana ay ayidsanaayeen Somalida inay danahooda u midoobaan.

Markii la soo garay qofkii ugu mudnaa Madasha MW Xasan Sheekh ee ay dhamaan shacbiga hoolka ku jiray iyo madaxdiiba sacab iyo mashaxarad isula sare joogasadeen heestii astaanta calankana musigeeda la saaray ayaa waxaa uu Siciid sameeyey fadeexad isaga wax badan ka halleysay, kana hari doonin taariikhdiisa.

Waxaa dhacay laba waxyaabood oo foolxumo u soo jiiday bulshada qiimaha badan ee reer Puntland kuwaas oo kala ah:

  1. In Siciid Deni oo madasha dartiis loo yimid uu diiday inuu u istiaago Madaxdweynaha JFS oo aan qof caadi ah ahayn, xilka uu hayo dartiis,  ee ah astaantii qaranka sida dhamaan intii hoolka ku jirtay ee madax, marti Sharaf iyo shacbiba leh ay sameeyeen oo ah in loo istaago markii loo yeeray Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud inuu kalmadiisa halkaas ka jeediyo.
  2. MW ku Xigeenkiisa oo uu farta ku amaray kuna yiri “ Fadhiiso waryaa sidee u istaagi kartaa anigoon ku amrin, MW/ Ku xigeeenkiina uu halhaleel u  fadhiistay sidii Cunug oo aabihii amray”.

Run ahaan waa laba ceeb oo foolxumo ah mid weeyee Deni isagaa marti loo ahaa xataa hadduu cuqdad sidaa u dilatay uu qabo waxay ahayd inuu  qarsado oo uusan sidaas raqiiska ah u soo bandhigin, isagoo gogoshiisa la fadhiyo.

Midda kale MW/ku xigeenka Lugatoor waxay ahayd inuu maankiisa iyo mansabkiisa ku socdo maadaama uu yahay ruuxa labaad ee Puntland taladeeda wax ku leh balse hadda kadib loo arki doono inuu yahay xoghaynta sare ee Deni, uusan fadhiisan Karin ama istaagi Karin isagoon amar ka helin Deni.

Isku soo duub marka ceebtaan shakhsiyadeed laga reebo kulankaas wuxuu ahaa kulan qiimo weyn Somalida iyo midnamadeeda ugu fadhiya oo aad loo muujiyey in dadka Somaliyeed ee halkaa yimid ay aad ugu qanacsan yihiin hawlaha muhiimka u ah umadda Somaliyeed oo ay u hayso dowladda ay hogaamiyaan MW Xasan Sheekh Maxamuud, RW Xamsa Cabdi Barre iyo Gudoomiyeyaasha labada gole ee Cabdi Xaashi iyo Sheekh Adan Madoobe.

Waxaa dhaliil laga muujiyey iyana RW Hore Xasan Cali Kheyre oo aan fahmin wax goobta loo tagay una qaatay in lagu jiro doorasho iyo in goobtaas lagu soo bandhigayey khudbadihii musharraxnimo oo afka furtay, taasina waa iska caadi oo waxay ahayd inuu xusuusto in isaga toddoba daqiiqo talada RW looga xayuubiyey marka 180 xildhibaan wax ay u codeeyeen uu ku sheegayo wax lala orday.

Waxaan rajeyneynaa inay Siciid intaas cashar ugu filan tahay oo si fagaare ah uu ugu cudur daaran doono khaladka nacasnimo ee ka dhacay. Waxaa la sheegay in markii MW Xasan Sheekh la weydiiyey falka Siciid uu ka yiri “ Waxaa laga yaabaa inuu aad u dallaanaa maadama hawl fiican uu ka qabtay abaabulka, ee uusan ula jeedin wax xumaan ah ee yaan loo qabanin”Laakiin dad badan ayaa qaba in MW Xasan taas ka tahay odaynimo iyo horay ha loo socdo.

Haddaba sidee ayuu gogol u fidin karaa ruux sidaas u cuqdadeysan sow ma dhici karto inuu martida gogosha imaneysa sidaas iyo ka xun  ula dhaqmo qarkood? Maxay kula tahay akhriste?