Muuse Biixi Budh, Bistolad iyo Been Weynatay Booska ma ku sii Hayn Doonaan? Akhriso

Reading Time: 2 minutes

Iyadooo aannu fileynay inay gaamurtay dimoqraadiyadda ka jirtaa Somaliland ayaa waxaa muuqata inay ahayd mid aan dhab ahayne lagu muujinayey incid kale looga fiican yahay.

Isirka Somaliga ah waa isku mid meel kasta oo uu joogo, waxaasa kala badalnaan kara duruufaha iyo sida ay ku yimaadaan. Somalidu ma ogolaato cadaadis iyo in rux xoog ku haysto ilaa tiisa ay ka dhamaato oo uu iska dhinto.

Muuse Biixi waxaa arday u ahaa Maxamed Siyaad oo ay isaga Farmajaba ka soo diin qaadeen oo waxay yaqaannaan qaabkii uu wax u xukumi jiray. Kala dullaalid, isku dirid, eedda oo cid kale loo saariyo iyo xukunka waxkasta loo huro haddii ay tahay naf la gooyo iyo guryo ladumiyo iyo golebaas laga taliyo.

 Muuse arag hadalkiisa “ Ciddii fidno, Mudaharaad & abaabul gasha waa laga hortagayaa, mana laga aqbalayo in Dalka la burburiyo, Mucaaradka uma muuqata in ay dibadbaxa ku dhigtaan meelaha loogu talagalay ee ciidamada lagu diyaariyay, waa arrin dambi qofkii mudaharaad sameeya mana looga gambanayo Dimuqraadi & Xorriyatul-Qowl, Hay’adaha amniga u xilsaaran uma fiirin doonaan Xasaanadda qofka uu leeyahay” ayuu yiri.

Wuxuu isbadaldoonka ku eedeeyey inay ku gabbanayaan Dimoqradiyad iyo Xorriyatu qowl, isagana wuxuu ku gabbanayaa amaanka inuu ilaalinayo. Dhibaatooyinka noocan ah waxay dhacaan marka shacbigu ay cabsadaan oo kalitaliye loo ogolaado inuu ummadda qaarna laaluusho oo uu mushaarooyin u qoro, qaarna qabiileeyo oo ku yiraahda waa laftayada waxa la diidan yahay, ciidankana uu ku yiraahdo waxaad dootaan ayaad fali kartaan haddii la idin soo weeraro.

Ciro iyo Waraabe marka hore wax haka bartaan hogaamintii isbadal doonkii Xamar oo sutida u qabtay ninkii ay isku fasalka ahaayeen Muuse ee Farmajo. Magaalooyinka yaan la burburinin laakiin yaan loo ogolaan inuu Muuse xoog ku sii joogo oo uu u qaato inay kursika ku sii haynayaan haddalladaan uu ku goodiyey waa la soo xerayaa iyo Xasaanad ma jirto iwm.

Hargeysa waxay ahayd, welina tahay magaalooyinka ugu nabadda badan geyigaas, waana in la dhowraa laakiin xurriyadda iyo dimoqraadiyadda waxay leeyihiin mudnaan ah in waxyaabo badan loo huro. Muuse yuusan dadka gaarsiin inay dadka markale gacmahooda ku keensadaan xoriyad iyo dowladda ay rabaan.

Isku soo duub Muuxe Biixi, Budh dadka lagu garaaco, Bistoolado la adeegsado oo xabado nool dadkaaga lagu rido, iyo Been muuq baahiyayaasha lala soo istaago intee ayey kursiga ku sii hayn karaan? Ma badna ee belo yaanu ka talinin oo talada dadka ay khuseyso hala wadaago doorashana ha qabto.

Tani waxay I xusuusisay tuducyo ku jiray Texdii Isa-Sudhan ee uu tiryey Hadraawi oo hadda ku xanuunsanaya meel uu xabadaha ka maqli karo Rabbi caafimaad ha siiyee, kawaas oo oranayey: 

Dadkaan joogi waayee                Milateriga aan diray

   La dagaallamayaa                        Af-dhalaalka keenee

     Haddii qaammudkood galay        In tacshiirad lagu furo

         Abaalkooda weeye                      Maanigaa wax saarka leh