XASAASI: 3 sano kadib dilkii Eng. Yariisoow & Shakhsi goob joog u ahaa Qaraxa

Reading Time: 2 minutes

Maxamed Maxamuud Gaboose,agaasimaha Hanti dhowrka Gobolka Banaadir ayaa seddex sano kadib ka hadlay sida ay wax u dhaceen galabnimadii qaraxa ka dhacay Xarunta Dawlada Hoose Ee Xamar.

Ka hor kulanka waxa uu sheegay in xarunta maamulka gobolka banaadir ay sugayeen amnigeeda ciidamo tiro badan, islamarkaana loo qaadanwaa aheyd in la fududeeyey qaraxii dhacay.

Ma uusan sheegin dad uu tuhunsan yahay inay weerarkaasi abaabulan ka dambeeyeen balse shaki weyn ayuu ka muujiyey shakhsiyaadka Al Shabaab u sahlay inay beegsigaasi guuleystay ka fuliyaan xarunta maamulka gobolka banaadir 24-kii July 2019-kii.

Agaasimaha ayaa sharaxaad dheer ka bixiyey sida uu jawiga ahaa,qaabka su’aalo weydiinta usocotay,Gudoomiye Yariisoow ayaana gudoomiyeyaasha degmooyinka fadhiyey kulanka ka wareysanayey arimo kala duwanaa.

Mr Gaboose ayaa sheegay in mar keliya ay maqleen jugta qarax weyn oo qolkii shirka uga socday,waxa uu sheegay inuu arkay dhiig,uuro qolkii isqabsatay,aadaar ama riix dad qaarkood dhaawacyo culus ahaayeen,mana uusan cabiri Karin xaalka xun ee meesha isku badeshay.

Agaasime gaboose ayaa mid ka mid ah indhahiisa ku waayey qaraxaasi isagoo gacmaha waxyeelo ka gaareen iyo wejiga oo garaafooyin ku dhaceen.

Waxa uu sheegay in labo qof ay soo galeen markii qaraxa uu ka dhacay Hoolkii shirka ku lahaayeen isagoo sheegay in ay ku murmeen in laga saaro maadaama uu codsaday in la caawiyo oo dhaawac uu ahaa.

Gaboose waxa uu sheegay inuu helay markii dambe gurmad isagoo tibaaxay in gaari cabdi bile ah la saaray markii la jebiyey dabaqa, oo lasoo bad baadiyey.

Waxa uu sheegay in Gudoomiye Yariisoow iyo isaga dhaawacooda isku qol ICU la iskugu geeyey hal qol balse uusan kala ogeyn xaalada jirtay.

Gaboose ayaa dhaawaciisa waxa uu ku waayey sidoo kale mid ka mid ah lugihiisa,mid ka mid ah indhihiisa, faraha gacmaha qaar oo ka go’ay iyo dhaawacyo jireed.

Markii dambe ayuu sheegay in laga soo saaray cusbitaalka magaalada doha ee dalka Qatar, oo halkaasi maalmo kadib dhaawac ugu geeriyooday Engineer C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisoow.

Xigasho: Warqaad