Reading Time: < 1 minute

Inta la xaqiijiyay Ilaa afar askari ayaa ku dhintay lix kalena waa ay ku dhaawacmeen markii uu shil galay baabuur kamid ah ciidamadii ilaalada u ahaa Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Gaariga shilka galay ayaa marayay halka loo yaqaano dalcada karin-dhiig ee gobolka Nugaal iyaga oo ku sii jeedey Magaalada Garoowe ee Caasimadda Maamulka puntland.

Dhaawacyada Askarta ayaa la geeyay Isbitaalka weyn ee Magaalada Gaeoowe si loogu daaweeyo, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Gaariga shilka galay uu rogmaday.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa weli ku sugan Magaalada Boosaaso,  waxaaslna lagu wadaa in uu berri diyaarad kaga dhoofo oo dib ugu laabto Garoowe, kaddib doorashadii 16-ka kursi.

Dhawaan markii Madaxweynaha Puntland uu tegayay Magaalada Boosaaso ayaa waxaa qarax lala beegsaday mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada ee gelbinayay, waxaana xilligaas dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaar kamid ah Askarta ilaalineysay.

Isha:  Radiyo Risala