Midowga Musharaxiinta oo ku kala jabay taageerida go’aanka Farmaajo ee G. Banadir

Reading Time: < 1 minute

Midowga musharaxiinta oo Muuqda kuwa uu markale Farmaajo siyaasad ahaan kufsaday ayaa ku kala qaybsamay taageerida go’aanka gobolka banadir lagu siiyay 13ka Kursi.

Musharaxiinta ka soo jeeda beelaha Abgaal ayaa dhamaantood soo dhaweeyay go’aanka halka Musharaxiinta ka soo jeeda beelaha kale ay ka biyo diideen go’aanka Farmaajo.

Shiikh Sharif iyo Cabdulqaadir Cosoble ayaa amaan kala duldhacay MW Farmaajo ayaga oo go’aanka uu qaatay Farmaajo ku tilmaamay mid geesinimo leh.

Farmaajo ayaa sidii caruurta oo kale ugu ciyaarayo midowga Musharaxiinta kuwaas lumiyay kalaoonidii shacabka ay ka soo jeedeen iyo kii Soomaaliya! Maalinba maalinta ka danbeeysa ruwaayad been abuur ah ayaa loo dhigayayaa iyaga oo kala garan la’ maxaa run ah maxaase been ah!