40-ruux oo dhaawac oo la keenay Muqdisho iyo Dagaal kale oo laga cabsi qabo (SAWIRO)

Waxaa galabta magaalada Muqdisho laga soo dejiyay qaar kamid ah dadkii ku dhaawacmay dagaalkii degaanka Burdheere ee Gobalka Shabeelaha Dhexe kadib markii ay soo qaaday diyaarad gaar ah oo Muqdisho ka baxday.

Sidoo kale Dhaawacyo kale oo dagaalkaasi ku dhaawacmay ayaa safar dhulka ah la soo marsiiyay waxayna dhaqaatiirka Isbitaaladii la geeyay ay sheegayaan in ay ku jiraan kuwa qaba dhaawacyo halis ah.

Tirade dhimashada ayaa ka badan 40 qof waxaana wali taagan xiisad u dhaxeysa dhinacyadii dagaalamay. DF-ka iyo HirShabeelle wali kuma guulaysan joojinta dagaalkaasi.

Waa xilli kuleel ah, degaanka waa safar, malahan Isbitaalo wax ka qaban kara dhaawacyada wax sababi kara in dad walaalo ah is dilaanna kama jiro Shabeelaha dhexe ee Alla halaga cabsado Soomaaliyeey.

Xayeeysiin