Intii ay ballanqadeen inay wax ka qabanayaan Shabaab, Ciyaal weerada waxaa la dilay 40 qof waxaana lagu kala dilay degmooyinka hoostaga Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo ciidamada qaranka ay u muuqdaan kuwa iyaga isku dhex dila magaalada shacabkana dila.
Dad badań ayaa ka cabsanaya hadda in loo dilo waa ciyaal weero ama Barbaar weero, iyagoo loogu gabanayo arrinkaas oo ah mid khatartiisa leh, waayo hadalka shabaab waxaa ku jiray waxaan sameynay baaris waxaana ognahay dadka arrimahaan ku lug leh oo shacabka qofkii la dilaa waxay u qaadanayaan inuu arrinka Ciyaal Weerada ku lug lahaa.
Dhab ahaan tii Yusuf maaha nin xun laakiin waa oday dhaqameed aan weligiis dowlad u shaqeyn, awoodna u lahay inuu maamulo magaalo casrigaan joogta oo ay ku nool yihiin 3M iyo dheerad, weyna ku adag tahay inuu hogaamiyo magaalo ay wax waliba ku xeran yihiin hogaanka markaas talada hayaa, waayo nidaam ( System) kama shaqeeyo magaalada oo ma dhisna hannaanka iswada eee u baahan sixid, hubin iyo ilaalin.
Waxay u baahan tahay Muqdisho hage, hogaamiye iyo hannaan dhise u dul qaata habacsanaanta maamulka balse ay Khasab ku tahay inuu badalo aragtida dadweynaha iyo tan dadka wanwanaagsan ee la shaqeeya.
Dad la’aan ma jirto sida aysan ciidan la’aan u jirin dalka ee waxaa jirta maamul xumo ka timid aqoondarri iyo xulasho xumo oo xataa wax laga saari karo madaxda sare ee dalka.
Waxaad arkeysaa Guddoomiye ka masuul ah degmo, Waax ama Laan aan dadka ka dhalan oo aan aqoon u lahayn baahiyahooda gaarka ah, una damqaneyn oo aan oran Karin gurigaas waxaa iska leh ama deggan reer hebel iyo reer hebel oo degmo kale u hoyda .
Waxaad arkeysaa guddoomiye u jooga inuu dhaqaale urursado oo xataa la shaqeysta tuugada yar yar, kuwa waaweyn ee laaluush ku kharqinaya iska dhaafe. Mid idaacadaha ka maqla waxa xalay ka dhacay degmadiisa saaka isagoo quraac qaali ah ku cunaya degmo kale.
Caasimada waxay la daalaadhaceysaa dhibaatooyin is biirsaday oo keenay inay adag tahay in lagu noolaado ama laga ganacsado waana magacaaladda ugu saxmadda badan dalka.
Dhibtooyinka Xamar yaalla waxaa ka mid ah:
Ammaan xumo weyn oo waxaa adag in cunugaagii oo iskuul ama jaamacad kuu aaday lagu soo sheego in ciyaal weero ay dhaceen kana qaateen waxkasta oo ay ku jiraan qalmaantii iyo buugtii aad sida dhibka leh ugu iibisay. Ama waa ka darane laguu soo sheego inay ciidamada dowladda dileen ka dib markii ay rasaas arxan darro ah fureen iyagoo jid furanaya ama is dagaalaya dhexdooda.
Nadaafad Xumo tan oo ka dhalatay hawlihii adeegga ee dowladda hoose oo Meesha ka maqan sida qadista qashinka, iyo ku khasbidda dadka inay ilaaliyaan waxyaabaha caafimaadka wax u dhimaya. Goobaha ganacsiga , gaar ahaan makhaayadaha oo ay lagu khasbo inay ilaaliyaan bedqabka iyo nadaafadda cunnooyinka ay iibiyaan iyo goobaha ay ku iibiyaan.
Musuq Maasuq ragaadiyey Magaalada oo aysan dadka wax horumar ah sameyn Karin tallaabo kasta oo ay qaadaanna ay Khasab tahay inay hawl fududeyn xoog leh oo aan la awoodin bixiyaan.
Jidadka iyo gaadiidka oo runtii ku sugan xaalado khater ah oo keenaya inay dad ku dhaawacmaan shilal joogto ahna ah ka dhacaan iyo waddooyin badan oo xeran oo aan dhib mooyee wax dheef ah so kordhin waayo ammaankii loo xeray ma keenin marka waa iska ciqaab la dul saaray dad aan lahayn cid u hadasha oo waxa saxan u go’aamisa.
Dowladda hoose oo qaadda canshuuro aad u badan oo aan xataa uusan qofka iska bixin Karin waxbana lagu qaban.
Boobka Dhismayaasha, dhulalka, dhaca hantida maguurtada ah waa xanuun weyn oo saameeya cid kasta oo Xamar degaan ku leh, waxaana lagu kala xugunsadaa kolba sida loo kala awood iyo dhaqaale badan yahay.
Haddaba muqdisho oo ah halka ay tahay inay ka bilaabato hanaqaadka dowlad qaran oo hagaagta iyo dowlad wanaag dalka ku fida ayaa ah halka maanta dalka jilbaha dhulka ugu haysa. Haddii la rabo inuu dalka hagaago dowladda ay hogaamiyaan MW Xasan Sheekh iyo RW Xamza Cabdi Barre waa inay Xamar ka dhigaan Tusaale wanaagsan oo ka daayaan gacan bidxeynta u dhiibista maamulkeeda dad aan awood hogaamineed, mid aqooneed iyo mid aragti maamul lahayn iyadoo farahana uga qaada oo aan la xisaabtamin.
Aniga ii gee iyo saaxibkeen u dhiib waa waxa halkaan na dhigay, waxaana la qaatay inay madaxdu ku cibra qaataan wixii la soo maray. Ninkaad qof dartiis xil ugu dhiibtaa isaga ayuu daacad u yahay marka hore, kadib ayuu maamulka iyo hogaanka daacad u noqon karaa waana caado soo jireen ah oo la yaqnno.
Magaalooyin soo maray dhibaatada noocan ah oo haddana ka gudbay ayaa jira kadib markii ay heleen hogaan saxan oo ay dowladda sare dul dhigtay dhaqaale iyo awood badan oo laga tusaale qaadan karo, hasa yeeshe cidda loo dhiibayaa waa inay soo akhriyaan warbixinadaas sidii looga gudbiyey magaalooyinkaas.
Muqdisho waa halka ay ka bilaaban karto dowlad wanaag haddii loo helo hogaan haboon oo waa muraayaddii dalka.