Iyadoo mooshin lasoo Abaabulay laga keenay Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari ayaa waxaa soo baxaya Durba,in laga been abuurtay Saxiixa qaar ka mid ah Xildhibaanadda Golaha Shacabka kuwaasi oo la sheegay in ay mooshin ka Gudbiyeen jawaari
Xildhibaano gaaraya 37-oo Laga Been abuurtay Saxiixooda ayaa shir Jaraa’id waxaa ay ku qabteen Magaalada Muqdisho Iyagoo sheegay in uusan Jirin mooshin ay saxiiixeen oo ka dhan ah Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari
Xildhibaan Yuusuf Ibraahim Afrax oo ka mid ah shaqsiyaadka Laga been abuurtay ayaa waxaa uu sheegay in uu Xilkaasi u igmaday Gudoomiye jawaari islamarkaana ayna Jirin Mooshin laga keenay oo uu ogyahay taasna ay tahay been
Dhanka kale Xildhibaanadda Goobta ka hadlay waxaa ka mid aheed Farxiya Maxamuud Dhaqane oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha shacabka,waxeey sheegtay in ayna Aqbali doonin in Magacooda in laga been abuurto
kooxda Qiyaano Qaran ayaa waxaa ay ku fashilmeen Mooshin lagu bixiyay dhaqalle aad u fara-badan oo Dhicisoobay