Liiska Dhalinyaradii xalay lagala baxay guryahooda (Akhriso)

Reading Time: 2 minutes

Liiska magacyada dhallinyaradii xalay lagala baxay guryahooda oo ay MOL heshay. Waxaa habeenkii xalay ahaa guryahooda lagala baxay dhalinyaro ka badan 40 oo ka mid ah dhalinyarada ku shaqeysata mooto bajaajta, kuwaasoo ka dhiidhiyay dilalka joogtada ah iyo tacadiyada ay kala kulmaan ciidanka Booliska Gobolka Banaadir.

Waxaa dhalinyaradan guryahooda loogala baxay oo kaliya, maxaad u mudaaharaadeen. Falkan foosha xun ee amray MW Farmaajo ayaa waxaa uu soo xusuusiyay dad badan dhalinyaradii uu Maxamed Siyaad Barre kala baxay guryahooda sanadkii 1989 kuwaaso lagu dilay duleedka Jazeera.

Haddaanan arrinta maanta laga hortagin, waxaa hubaal ah in 40 kaas dhalinyaro la dilo doono oo aanay reerahooda dib danbe u arki doonin

Saadaq John oo fulinaya amar uu bixiyay Farmaajo ayaa caawa waxa uu guryahooda kala baxay dhalanyaro u badan ardayda Jaamacadaha Muqdisho iyo qaar wado mootooyinka bajaajleeyda ah. Dahabo Idiris oo degan xaafada ku dhaw degmada Howlwadaag ayaa MOL u sheegatay in wilal dhowr ah oo degan xaafada  Howlwadaag caawa guryahooda ay kala baxeen Cidaan uu soo diray Saadaq John. Waxa kaloo iyadana la sheegayaa in xaafado kale laga soo afduubay dhalinyaro.

Farmaajo oo ka baqayo in mudaaharaadyo hor leh  ka  dhacaan magaalada ayaa waxa uu doonayaa in uu dadka cabsi galiyo. Talaabada uu  Farmaajo caawa qaaday waxa ay sii adkeynaysaa go’aanka shacabka Muqadisho oo doonayo in ay helaan cadaalad. 30 sano waxa ay magaalada dhibka ugu jirtay waxa ay ahayd cadaalad raadin. Marnaba macquul ma aha in Shacabka Soomaaliyeed ay hadda aqbalaan in sababihii keenay in uu dalka burburo dib loogu noqdo.

Halka hoose ka akhriso magacyada dhalinyarada xalay lagala baxay guryahooda