Ugu yaraan 35 qof ayaa ku dhimatay isbuurasho ka dhacday magaalada Kerman ee dalka Iraan halkasoo maanta lagu aasayay sarkaal sare oo ka tirsanaa milatariga Iran oo ay dhawaan Maraykanka duqeyn ku dileen.
Warbaahinta Iran ayaa ku warantay in 48 qof ay sidoo kale ku dhaawacmeen isbuurashadaasi.
Malaayiin qof ayaa isugu soo baxday aaska Qaasim Suleymaani oo lagu aasaya magaalada u ka soo jeeda ee Kerman.
Dilkiisa ayaa dhaliyay cabsi ah inuu dagaal dhehxmara Maraykanka iyo Iraan, waxaana Maraykanku uu ku sheegay inuu ahaa argagixiso khatar ku ah ciidamada Maraykanka.