Ciidamada Amaanka ee ayaa howgalo ka dhan ah dagaalamayasha Al-Shabaab waxaa ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha hoose.
Deegaanadaay howlgalada ka socdaan ayaa waxaa ka mid ah duleedka Magaalada marka ee Gobalka Shabeelaha hoose.
Dhaq-dhaqaqyada military ayaa ka dambeeyay kadib markii maalmihii dambe ay Al-Shabaab iyo Ciidamada xoogga ay ku dagaalamayeen deegaanada Gandarshe iyo Jilib marka ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Dadaka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Deegaanada badan al-Shabaab laga saaray, islamarkaana ciidamada xoogga ay joogaan.