30 sano kadib, Muqdisho lagu duubay Films & TVs heer caalami ah

Reading Time: 2 minutes

Waxaa magalaada Muqdsho ka socday in mdo ah duubitaan lagu duubayo filimo  iyo barnaamijyo TVs kaas oo ay hogaanka u hayaan dad Soomaaliyeed. Jilayaashi waa Soomaali, alifayaashu waa Soomaali, duubaayasha iyo soo-saarayaashuna waa Soomaali.

Waxaa ugu horeeya ee soo bixi doona waa Barnaamij TV  kaas oo ka koobanan doono 10 qaybood. Barnaamijka TV ayaa ah mid ka tarjumaya   dhibaatada la soo daristay dhalinta Soomaaliyeed  iyo guud ahaan dhibka ku dhacay Magaalada Muqdisho.

Barnaamijka TV ayaa loogu magacdaray “Arday”, waxaana guud ahaantiis lagu duubay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Barnaamijkaan ayaa baxaya , maalinta Khamiista, waxa uuna ka baxayaa  TV-ga Bile ee dalka.

Musalsalka TV waxa uu dhacdo kasta oo ka kooban 25-daqiiqo diiradda kagu  saari doonaa  koox ka mid ah ardayda dugsiga sare iyo sida ay ula tacaalaan xaalada adag ee ay ku korayaan, taas isugu jirta baahi dhaqaale, shaqo la’aan, colaada iyo walwal joogta oo ay ku jiraan iyaga iyo waalidiintoodaba.

Iyada oo magaalada Muqdisho la doonayo in lagu duubo Aflaan caalami ah, ayaa hadana Waxaa hogaanka u hayo maamulka Gobolka Bandir nin mayal adag oo ka soo jeeda urur diimeedyada kaas oo Filimda u arka inay yihiin xaaraan.

Inta uu joogo duq magaalo oo lamida kan hada jooge ee Xuseen Jimcaale, Magalaada Muqdisho kama baxayso mugdiga ay hada ku jirto. Soo Saarayaasha Barnaamijkaan TV ayaana dhibaabo badan kala kulmay ku duubitaanka Filimka noocaan magaalada Muqdisho.

Barnamijkaan waxa sameeyay filimsoo saaraha Soomaaliga ah Axmad Farax oo horay u sameeyay Filimo kale.