3-ruux oo is reer ah oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya 3-ruux oo isku reer ahaa oo xalay lagu dilay Xaafadda Buula Maaxaay ee Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir.

Sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka, falka dilka ayaa waxaa geystay ruux kale oo qaraabo ay ahaayeen, kadib markii muran la xiriira dhul uu soo kala dhexgalay.

Waxaa la sheegay in ninka falkaan geystay uu dilkooda u adeegsaday qori Ak47 ah islamarkaana 3-da ruux uu halmar wada toogtay.

Meydadka Seddexda Ruux ayaa la geeyay xalay Xarunta CID ee Booliska Soomaaliyeed,waxaana gacanta sidoo kale lagu dhigay ninka falka geystay.

Mudooyinkii dambe waxaa Magaalada Muqdisho kusoo batay dilalka salka ku haya is qabqabsiga