26 qof ayaa ku dhimatay weerarkiii Kismaanyo halka 56 kalana dhaawac soo gaaray

Reading Time: < 1 minute

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam oo ka hadlay weerarkii  ka dhacay magaalada Kismaayo oo dad badan ku dhinteen. War lagu daabacay Bogga Facebook ee Madaxweynaha Jubaland ayaa lagu sheegay in weerarkii Kismaayo ay ku dhinteen 26 qof, 56 kalena ay ku dhaawacmeen. Inkastoo dadka ku dhintay ay ka wateen dhalasho wadamo kale hadana intooda badan waxa ay ka soo jeedeen Soomaaliya

Dadka dhintay waxaa ay ka ahaayeen:

Kenyan 3 qof

Canadian 1 qof

British 1 qof.

American 2 qof.

Tanzanian 3 qof.

China 2 qof, dhaawac

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Ragga Hotelka weeraray ay afar ahaayeen qaarkoodna is qarxiyeen halaa mid kale nolosha ay ku qabteen Ciidanka Amniga Jubaland sida uu yiri.

Qabashada ninka ka tirsanaa argagaxisada ayaa waxa ay u saamaxeeysaa Dowlad Goboleedka Jubbaland in  ay ka sal gaaraan halka laga soo abaabulay weerarka  iyo cida soo abaabushay.