25-sano ka dib Dagaalka Mareeykanka  Iyo Caaydiid oo Muqdisho  laga Xusay!!

Reading Time: < 1 minute

Waxaa maanta Magaalada Muqdisho laga xusay 25 sanno guuradii kasoo wareegtay dagaalkii magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada Mareykanka iyo Ciidamo uu hor kacayay Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid.

Munaasabadd ka dhacday Hoteelka Saxafi ee Muqdisho ayaa waxaa ka qeyb galay odayaal, siyaasiyiin, Haween  iyo Madax a tirsan Dowladda Soomaaliya.

Dadkii Munaasabadda ka qeyb galay oo hadalo jeediyay ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay xasuuq u geysatay shacabka Soomaaliyeed islamarkaana masxkaxdooda aysan ka bixi doonin.

Xaliimo Maxamuud Afrax oo kamid ah Haweenkii meesha ka hadlay ayaa sheegtay in xasuuqii Mareykanka uu ka geystay Magaaladda muqdisho ay ku waysay wiilkeeda,islamarkaana dhaawac uu kasoo gaaray.

Dhanka kale Dowladda Mareykanka ayaa Xusta maanta oo kale Dhacdadii sanadkii 1993-dii ee loo yaqaanay Black Howk Down ee looga atkaaday  Ciidamadii Mareykanka Magaalada Mogdishu islamarkaana  looga dilay 18-askari oo kamid ah ciidmadamadiisa iyo labo howl-wadeen oo u shaqeyneesay Qaramada Midoobay.

Dagaalka looga adkaaday mareykanka ayaa dhacay 3-4 October- sanadkii 1993-dii, wuxuuna u  dhaxeeyay Ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaya UNOSOM iyo Xoogag Daacad u ahaa Mohamed abdi Faarah Qeydiid kaa oo ay taageerayeen Shacab Hubeysan, Dagaalkan ayaa waxa loo texgeliyaa in uu ahaa Dagaalkii ugu horeeyay ee magaalada Mogdishu ka dhaca isla markaana looga guuleystay dowlada Mareykanka.

Kadib dagaalkaasi reer galbeedka ayaa go’aansaday in soomaaliya  loo soo diro Ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda midowga Africa oo ilaa hada dalka jooga tan iyo  sanadii 2006-dii oo Ciidamo ka socda dalka Uganda ay yimaadeen Magaalada Muqdisho, Iyaga oo taageero militiri iyo mid dhaqaale ka hela dowlada Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Laakiin Xasuusta dagaalkii Black Howk Down 1993 ayaa ah mid aysan marnaba hilmaami doonin dowlada Mareykanka oo ay xusto.